info@slattorneygeneral.org
Choose Language:
Somaliland Attorney General Office > News > Uncategorized > Tabobar loo furay xeer ilaalinta gobolka bariga.
  • Ahmed
  • Uncategorized
  • No Comments

 

Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee qaran ka JSL. Oo  tabobar ku qabtay Burco, tabobarkaas oo la xidhiidha tacadiyada ka dhanka ah jinsiga (GBV), kaas oo qayb ka ah Project UN joint rule of law program, oo lagu hor marinayo hayadaba cadaalada iyo ku dhaqanka sharciga.

tabobarkan oo lagu qabtay magaalada Burco, kana soo qayb galeen 15 xeer –illaaliyayaasha Gobalada Bariga, sanaag, sool, Burco, Saraar, oodweyne iyo Saxil.

Waxa uu socon doona 13 iyo 14 October 2021, ujeedadiisu tahey sidii loo dardarin galin lahaa howlaha Xeer Illaaliyaasha sida gaarka ah loogu tabobarey oogista dacwadaha tacadiyada SGBV.
Tacadiyada SGBV gaar ahaan noca kufsiyada waxa uu halis ku yahay da’yarta, dadka nugul sida dumar iyo caruurta, waxana inta danbe soo ifbaxaya dacwadda kufsi iyo dhimasho isku jira.
Iyada oo ahmiyad gaara uu xafiiska xeer-illaalintu arintaas siinayo waxa uu dhistey xeer illaaliyayaal aqoon iyo tabobaro gaara loo siiyo oo ka howl gala gobaladda dalka.

Sido kalena waxa si joogta loo wadaa tayeyntooda, iyo kormeerada joogtada ah ee lagu hayo. Isla markaana si saddex bilood ah loola socodo tirada dacwadaha kufsiga iyo cartuurtaba.
Tabobarkan uu u taaganyahey sidii arintaas loo cidhib tiri lahaa.

Waxana lagu dagaalami karaa iyadoo la adeegsanayo

1. In kor loo qaado access of justice dhibanayaasha tacadiyadu ka dhacaan.
2. In tixgalin la siiyo dhibanaha dawcadiisa la hayo lana ilaaliyo danaheed (victim centered approach).
3. In dambillayaasha sharciga la mariyo, isla markaana dacwaddaha la habraaco xeerka dalka, iyadoo aan la yeelayn xabka xalinta dhaqanka ee ka baxsan garsoorka. Sidaad la socotaana xafiiska xeer illaaintu arintas wareegto ayuu ka soo saarey 7/09/2014.

4. Kor loo qaado isku xidhka hayadaha ka howlgala arimaha GBV , sida booliska, kooxda caafimaadka, xeer illaalinta iyo dananeeyayaasha kale.
5. In tababaro la siiyo joogto ah xeer illaaliyayaasha iyo hayadaha kale ee u adeega dhibanayaasha SGBV.

Taasna waa mida aanu halkan ka fulineyno.

Author: Ahmed

Leave a Reply