info@slattorneygeneral.org
Choose Language:
Somaliland Attorney General Office > News > Uncategorized > Tabobar, ku saabsan baadhista iyo Oogista danbiyada ka dhaca badda.
  • Ahmed
  • Uncategorized
  • No Comments

23 May 2022: Tabobar, socaneyey muddo 3 maalmood ah. Ayaa uga qabsoomey Xafiiska Xeer illaalinta Guud Hotel Ambassador, kaas oo ay soo qaban qaabisey Hayada EUCAP. Waxaana lagu falanqaynayey sidii kor loogu qaadi lahaa Baadhista iyo Oogista dambiyada ka dhaca badda (Maritime Crimes) sida;

1. Kaluumeysiga sharci darada ah (Illegal Fishing)

2. Ka Ganacsiga iyo tahriibinta dadka (Human Trafficking and Smuggling in person)

3. Xeerarka Badda ee Somaliland
4. Kontarabaandada Maandooriyaha iyo Hubka (smuggling of narcotics and Arms)

Sidoo kalena waxa lagaga hadlay hababka u haboon ee ku aadan qaadista dacwadahaas, gaar ahaan nidaamka baadhis  ee ay u wada shaqeynayaan ha’yadaha ay khuseyso, habka oogista ee dacwadahaas iyo go’aan ka gaadhistoodaba.

Waxaana ka soo qayb galey xubno ka socdaey;

1. Xafiiska Xeer Illaalinta;
2. Maxkamadda;
3. Booliska
4. Ciidanka Badda;
5. Ciidanka Socdaalka;
6. Wasaarada Gaadiidka;
7. Gudida la dagaalanka Budhcad badeed (CPC).

Waxaana lagaga hadlay noocyada kala duwan ee dambiyada ka dhaca badda.

Author: Ahmed

Leave a Reply