info@slattorneygeneral.org
Door Luqadda:

Xafiiska Xeer Illaalinta Guud

Qodobada 103aad iyo 107 aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland waxay si guud u shegayaan in xafiiska Xeer illaalintu (Prucuracy) ka kooban yahay Xeer Illaaliyaha iyo ku xigeenadiisa.sidoo kale Qodobka 99aad,waxa u shegayaa in Garsoorku ka koobanyahay Xeer Illaalinta iyo Maxkamadaha.

Shaqada Xafiiska Xeer Illaalinta

Doorka shaqo ee uugu muhiimsan ee xafiiskani waa oogista dacwadaha ciqaabta ah e ay dhibanaha ay ka yihiin qaranka iyo shicibkuba.waxaanay Xeer illaaliyaha ama ku xigeenadiisuba maxkamada horteeda ka matalaan dadka ama dawladaba dhamaan dacwadaha ciqaabta ah.
Qodobka 43aad ee Xeerka Dhismaha Garoorka waxa uu si faahfaahsan u shegayaa shaqooyinka xafiiska Xeer Illaalintu u taganyahay ee ay ka midka yihiin illaalinta xuquuqda aadamaha,hagida iyo tilaamida baadhayaasha booliska iyo diwaan galinta shirkada iyo ururada kale madanigaba ah.

Himilada & Hiigsiga

Himilada
“Bulsho cadaalad iyo deganaasho ku nolaanasya”


Hiigsiga
“Inaanu siino dadka iyo dawladaba adeeg hufan oo dacwad oogiseed iyo
sharciba si kor loogu qaado saraynta sharciga iyo illaalinta xuquuqda dadka”