info@slattorneygeneral.org
Choose Language:
Somaliland Attorney General Office > News > News in English > Bandhiga Buugga Lafa-gurka sharci ee qaybta Guud ee Xeer-ka ciqaabta oo ka qabsoomay Jaamacadda hargeisa.
  • Ahmed
  • News in English, News in Somali
  • No Comments

Bandhiga buuggan oo uu qoray Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka JSL. Md. Garyaqaan, Hasan Mohamed. Ayaa lagu soo bandhigay, Barxadda  wayn ee Xafladaha qalin-jebinta ee Jaamacadda Hargeysa.

Xafladan qiimaha badan ayaa waxaa kasoo qayb galay, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ahna Qoraaga buuggan, Xeer ilaaliye ku xigeeno, Agaasimaha guud ee W.Caddaaladda Guddoomiyayaasha Jaamacaddaha Hargeisa,Beder & new generation university, sharciyaqaano, ardaydada sharci ee jaamacaddaha kala duwan ee dalka iyo marti sharaf kaloo aad u badan.

Buuggan ayaa wuxuu noqday buuggii ugu horreeyey ee lagu lafa guro qaybta sharci ee guud ee xeerka ciqaabta. Dhammaan marti sharafta kala duwan ee kasoo qayb galayna waxay ahaayeen kuwo aad u daneenayay in ay wada helaan buuggan.

Hadaladdii ,Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ahna qorayaa buugga iyo hadaladii kale ee Masuuliyiinta kala duwani halkaa ka jeediyeen waxaad ka daawan kartaa muuqaalkan hoose.

Waxaad hoos ka daawan kartaan video Xafladda oo uu duubay TV-ga Hon cable.

 

Author: Ahmed

Leave a Reply

This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.