info@slattorneygeneral.org
Choose Language:
Somaliland Attorney General Office > News > Uncategorized > Xafiiska Xeer Illaalinta Guud ee qaranka ayaa soo qaban qaabiyey, kulan lagaga hadlayo arrimaha tacadiyada Jincsiga, gaar ahaan kufsiga.
  • Ahmed
  • Uncategorized
  • No Comments

14 April 2022: Xafiiska Xeer Illaalinta Guud  ayaa soo qaban qaabiyey  kula lagaga hadlayay arrimaha tacadiyada Jinsiga, gaar ahaan kufsiga, kulankan oo ay ku martiqaadeen haya’daha ku shaqada leh arrimaha tacadiyada SGBV ga, waxaana ka soo qayb galey, Xeer ilaaliyaasha gobolada,  Garsoorayaal, Boolis, Guddida Xuquuqal insaanka Qaranka, Baahi Koob, Somaliland Womens lawyers association & Xubno ka socday UN-ta, gaar ahaan UNFPA, UNDP iyo UNSOM.

Kulankan, ayaa qayb ka ahaa barnaamijka loo yaqaano “UN JOINT RULE OF LAW PROGRAM” kaas oo ay fuliso hay’adda UNDP, isla markaana ay maalgaliso EU iyo Sweden.

Waxaana lagu lafa guraayey dhibaatada dambiyada tacadiyada haweenka, gaar ahaan korodhka denbiyada marka la isbarbar dhigo sannadkii 2020  & 2021, saddex biloodkii hore iyo sannadkan jan-march, sidii loo midayn lahaa warbixinada tacadiyada kufsiga & sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga dhibanayaasha (Awareness raising). Kulankan ayaa ahaa mid arrimahaa la isla qaatay guud ahaanba.

Halkan ka daawo muuqaalka oo duuban.

 

Author: Ahmed

Leave a Reply